Home Wararka Maanta Sadax bil oo Xabsi ah qofka aan bixin lacagta ganaaxa gadiidka ee...

Sadax bil oo Xabsi ah qofka aan bixin lacagta ganaaxa gadiidka ee Sweden

0

Barlamaanka sweden ayaa lagu wadaa in la hordhigo sharci cusub oo la xiriira ganaax la duldhigo dadka aan bixin lacagta ganaaxa ee gadiidka marka qofka uu la kulmo ganaaxaasi Waxana sharciga cusub uu dhigayaa in 3 bil xabsiga la dhigo qofkaasi.

Dowlada Sweden ayaa sharcigan hordhigaysa Gudiga Sharciga ee Barlamaanka waxana uu bilaandoonaa bisha january sanadka danbe hadii Barlamaanka Sweden uu isku raaco sharciga.

Wasiirka cadaalada Sweden Morgan Johansson ayaa TT u sheegay in sharcigan cusub uu wax ka badalayo dadka aan bixin lacagaha ganaaxa lagu muteesto kuwaasi oo dadka aysan bixin.

dadka isticmaala Gadiidka ayaa horay ula kulmi jiray dhibaato la xiriirta gadiidka marka ay la kulmaan ganaax uga yimaada goobta qalad ah oo gawaarida dhigtaan iyo lacagta ganaaxa oo mudo kooban lagu bixiyo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here