Home Wararka Maanta Sweden oo joojisay 8 Safar oo kaga yimid Dowlada UK

Sweden oo joojisay 8 Safar oo kaga yimid Dowlada UK

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Booliska xuduudaha ayaa ka hor istaagay sideed rakaab ah oo ka yimid Boqortooyada Ingiriiska inay galaan Sweden. Diyaarad Ryanair ah ayaa ka soo degtay London kuna sii jeeday Västerås jimcihii.

Boqolaal rakaab ah oo saarnaa diyaaradaha ayaa la hakiyay , booliska ayaa diiday inay soo galaan ilaa sideed sababtoo ah ma aysan heysan cadeymaha tijbaada ee Corona . Sida uu soo xigtay TT.

Dowlada Sweden ayaa go’aansatay, laga bilaabo 1-da Janaayo, inay shuruud ku xirto  baaritaanka natiijada Caafimaadka Corona kuwa ka imanaya Boqortooyada Ingiriiska, marka laga reebo muwaadiniinta Sweden. Tijaabada waa in lagu qaadaa shaybaar la aqoonsan yahay ugu dambeyn 72 saacadood kahor imaanshaha Sweden.

Dawladdu waxay ujeeddadeedu ahayd xaaladdan cusub si looga hortago soo gelitaanka nooca cusub ee Corona, kaasi oo laga helay Ingiriiska una faafa sida adag.

Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha waxay ku boorrisay qof kasta oo Iswidish ah oo ka soo laabanaya Boqortooyada Ingiriiska inuu iskiis isku karantiilo oo uu iska qaado tijaabada corona markuu yimaado, iyo tijaabo kale 5 maalmood ka dib imaatinkiisa.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here