Home Wararka Maanta Sweden oo joojineysa Ahmiyada lagu siiyo Dadka qaar goobaha Daryeelka Caafimaadka

Sweden oo joojineysa Ahmiyada lagu siiyo Dadka qaar goobaha Daryeelka Caafimaadka

0

Dowlada Sweden ayaa baaritaan ku sameeneysa Goobaha Daryeelka Caafimaadka madama ay jiraan Dadka swidhish ah oo la siiyo afmiyad gooni ah iyagoo ku jira ceymis ama bixiya lacagta ceemista ee Xaruumaha gaarka loo leeyahay taasi oo keentay in dad badan laga hormariyo iyagoo ku jira safka dheer.

Dad badan ayaa laga hormaray kuwaasi oo qaba xanuuno qatar ah waxana hormarintaasi lagu sheegay mid cadaalad daro ah sida ay ku warameyso wasiirada arimaha bulshada Lena Hallengren.

Lena Hallengren. ayaa intaasi ku dartay in daryeelka uu yahay wax loo siman yahay marka ay timaado caawinta lana hormariiyo qofka u baahan caawinta deg deg ah oo kaliya.

kiisaska ayaa soo kordhay mudada lagu jiray Xaalada Corona oo dad badan laga hormariyay dadkii ay ka danbeeyeen baaritaanka la bilaabay ayaana salka ku haya sidii loo joojin lahaa arimaha oo ka hor imaanaya cadaalada sweden.

Warbixin lagu qoray joornaalka Dagens nyheter ayaa lagu cadeeyay dadka ku jira Ceymista daryeelka ay si toos ah u helaan waqti iyagoo sugan halka dadka u baahan caawinta muhiimka ah laga hormariyo.

Foto: Anders Wiklund / TT /

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here