Home Wararka Sweden Sweden oo go’aan kasoo saartay Xayiraadaha Saaran Wadanka

Sweden oo go’aan kasoo saartay Xayiraadaha Saaran Wadanka

0

Bisha April 11 keeda waxaa ku eg Xayiraadaha Wadanka saaran ee dheeriga lakin Dowlada oo maanta Shir jaraa’id qabatay ayaa kasoo saartay in Xayiraadaha jiridoonaan isla markana la kordhiyay madama uu Xanuunka wali Dalka ku sii fidiyo.

Raiisel wasaare Stefan wuxuu yiri, “Faafida infekshinka Corona aad ayuu ugu sareeyaa wadanka, waana muhiim inaan masuuliyad iska saarno inaan ilaalino nafteena iyo dadka kale isla markaana aan yareyno culeyska dhanka caafimaadka ah.

 Wasiirka Arimaha Bulshada Lena  Hallengren ayaa tiri dhankeeda “culeyska dhanka caafimaadka ayaa sii kordhay todobaadyadii la soo dhaafay, sidaa darteed xayiraadaha ayaa ku sii jiri doona mudo dheer maqaayadaha, baararka, dukaamada iyo suuqyada,” iyagoo ugu baaqaya degmooyinka iyo gobolada inay ilaaliyaan Sharciyada ilaa 18-kii Abriil.

Dowlada ayaa isla maanta soo kordhisay Xayiraado dheeri ah tusaale in Fadhiga Halla miis laga dhigo Hal Qof oo kaliya Halka maanta uu yahay 2 Qof.

Sidoo kale Dumaada waaweyn ayaa loo jeediyay in Tirada ugu badan ee Dukaameysan kara la gaarsiiyo 500 halka maanta uu ka badanyahay intaasi.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here