Home News in English Sweden oo Fasaxday in Safar lagu tagi karo 10-kan Dal kuwa kalena...

Sweden oo Fasaxday in Safar lagu tagi karo 10-kan Dal kuwa kalena Xayirtay

0

Wasaarada Arimaha Dibada Sweden ayaa soo saartay in 10 Dal oo kamid ah kuwa saarnaa Xayiraada in aan loo safri karin laga qaaday xayiraadaasi laga bilaabo 30 bishan june.

Wadamada loo ogolaaday in Dadka Swidhishka ay Safar ku tagi karaan ayaa lagu sheegay Belgium, Croatia, France, Greece, Iceland, Italy, Luxembourg, Portugal, Spain iyo Switzerland kuwaasi oo horay xayiraad u saarnaa.

Sidoo ayaa Dowlada ayaa sheegtay in wali ay Xayiraad saaranyihiin ilaa 15 july wadamada Finland, Denmark, Norway iyo UK sida ay sheegtay Ann Linde.

Ann Linde ayaa sababta ugu weyn ee Wadamadan Xayiraada u saaranyihiin ku sheegtay Madama ay heestaan Sharci dhigaya in la karantiilo Qofka ka yimaada wadanka Sweden.

Dowlada ayaa ka digtay Safarada micno darada ah ee lagu tagayo Wadamada ka baxsan Yurub iyo (Schengen)  iyadoo Xayiraada ka dhigtay ilaa bisha Aguesta.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here