Home Wararka Caalamka Sweden oo diiday in ay magangalyo siyaasadeed siiso Siyaasi Ruushka u dhashay

Sweden oo diiday in ay magangalyo siyaasadeed siiso Siyaasi Ruushka u dhashay

0

Waaxda dib u eegista magangalyada ee magaalada Boden ayaa diiday in ay magangalyo siyaasadeed siiso Pavel Chupronov oo ka soo horjeeday Dowlada Ruushka, kaas oo ka soo cararay St. Petersburg una soo gudbay Sweden ka dib markii ay cadaadis kala kulmeen booliska Ruushka, sida uu sheegay.

“Haddii aanan ka tagin Ruushka, waxaan ku qaadan lahaa xabsi sannado badan,” Chupronov ayaa u sheegay SVT.

Chupronov waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii gacan saar la lahayd mucaaridkii caanka ahaa ee Alexei Navalny, kaas oo dhamaadkii bishii August ee sannadkii hore ka badbaaday isku day dil oo sun ah oo la isku dayey in lagu dilo xilli uu socdaal ku marayay inta u dhaxaysa Siberia iyo Moscow. 

Navalny ayaa ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila madaxweyne Vladimir Putin iyo dowladda Ruushka, waxaana horaantii 2021 lagu xukumay labo sano iyo bar oo xarig ah.

Xaaladda siyaasadeed ee Ruushka ayaa hadda ku qasbaysa mucaarad badan inay dalka ka baxaan, taas oo khubaradu ay ku tilmaameen ” qaxii siyaasadeed ee ugu ballaarnaa tan iyo xilligii Soofiyeedka.” Mid ka mid ah dadka dhoofay ayaa ahaa siyaasiga mucaaradka Pavel Chupronov, kaas oo ay booliisku xireen ka dib markii uu ka qeyb galay bannaanbax.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here