Home Wararka Caalamka Meydadka Muhaajiriin Kurdiyiin ah oo ku qaraqmay Kanaalka England oo dib loo...

Meydadka Muhaajiriin Kurdiyiin ah oo ku qaraqmay Kanaalka England oo dib loo celiyay

0
Photo: Azad Lashkari/Reuters

Meydadka ugu yaraan 16 muhaajiriin Kurdiyiin ah ayaa dib loogu celiyay Ciraaq kadib markii ay isku dayeen in ay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska halkaasi oo doonta la dagtay. Dhacdadan ayaa galaaftay nolosha 27 qof.

Ehelada 16 ka mid ah muhaajiriinta Kurdiyiinta Ciraaq oo ku qaraqmay si ay uga gudbaan kanaalka Ingiriiska ayaa  isugu soo baxay Erbil iyadoo diyaaradii siday meydadka dhibanayaasha ay soo degtay subaxnimadii Axadda. Qaar ka mid ah Ehelada ayaa la arkayay iyagoo sitay Sawirada Eheladooda oo geeriyooday.

Gaadiidka Ambalaasta ayaa ka dib qaaday meydadka oo geeyey deegaanadii uu marxuumiinta ka soo jeeden ee Darbanikhan, Ranya, Sooraan iyo Qadrawaa.

Muhaajiriinta ayaa isku dayay in ay uga sii gudbaan dalka Faransiiska iyaga oo ku sii jeeday UK.

“Markii ugu dambeysay ee aan maqlo codka wiilkayga waxay ahayd markii uu fuulay doonta, wuxuu igu yidhi, “ha werwerin hooyo, wax yar ayaan gaadhi doonaa England.” Hadda wuu igu soo noqday isagoo naxashka ku jira,” Shukriya Bakir, oo wiilkeeda uu ka mid ahaa dadka dhintay ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here