Sweden oo cabsi ka qabta soo laabashada dhalinyarada dagaalka u aaday Syria iyo Iraq

5

Hay’ada amaanka ee (Säpo) ayaa ka walwalsan safarka ay dhalinyarada Muslimiinta ah ku aadayaan dagaalada ka socda wadanka Iraq iyo Syria, iyagoo sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ay 80 qof oo haysata dhalashada Sweden ay ku biireen dagaalada.

Säpo ayaa ka digtay in hada ay sii kordhayso tirada dhalinyarada ku biiraya dagaalada maadaama ururka IS ay qabsadeen dhul balaaran. Säpo ayaa cabsi ka qabta in dhalinyarada haysata dhalashada Sweden ay dambiyo dagaal iyo kuwo argagixixos ka fuliyaan dibada iyo gudaha Sweden.

20 ka mid ah dhalinyaradii ka tagtay Sweden ayaa ku geeriyooday dagaalada halka kala bar dhalinyaradii u safartay Syria labadii sano ee la soo dhaafay ay dib ugu soo noqdeen Sweden taasoo walwal ku haysa Säpo in ay xagjir ku soo noqdeen dibada oo halkaan ay ka fuliyaan weeraro argagixiso. Säpo ayaa dabagal ku haysa dadka u safray Syria sida uu sheegay Sirpa Franzén oo ah afhayeenka Säpo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here