Bilan Osman oo jawaab ka bixisay hadalkii Gunilla Gomér

19

Isbuucii hore ayaa haweenay lagu magacaabo Gunilla Gomér oo ka tirsan siyaasiyiinta xisbiga Kristdemokraterna (KD) waxay mowduuc ku qortay wargeyska lagu magacaabo Nyheter24 kaasoo ay si weyn u dhaliishay Soomaalida dalxiiska u tagtay Muqdisho iyo sharciga la siinayo Soomaalida Sweden iska dhiibta.

Gomer ayaa ku dooday in Soomaalidu aysan u baahneyn in sharci laga siiyo Sweden maadama ay ku laaban karaan wadankoodii. Waxay intaas ku dartay in Soomaalida ku noqotay Somalia ay ku noolyihiin lacagta canshuuraha shacabka Sweden. Waxay ku baaqday in dib loo eego sababta sharciga loo siiyo Soomaalida. Isla markaana laga ceshado sharciga kuwa ku laabanaya Somalia.

Hadaba Bilan Osman oo ah wariye Soomaali ah kana mid ah shaqaalaha ururka Expo ee la dagaalama cunsuriyada ayaa mowduuc ay ku qortay wargeyska ETC waxay jawaab ka bixisay hadalkii Gomer iyadoo ku tilmaamtay “Dood ku dhisan cunsuriyad. ” Bilan ayaa ka warbixisay xaalada amaanka ee Somalia iyo xaalada ay ku suganyihiin qoysas badan oo Soomaali ah oo qaarkood loo diiday in lala mideeyo reerahooda. Waxay kale oo Gomer u sharaxday in Soomaalidu ay ka midyihiin dadka canshuuraha bixiya oo Gomer iyo dadka la midka ah oo keliya aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan cida la siinayo iyo sida loo isticmaalayo canshuuraha wadanka.

Bilan ayaa muujisay hadalada raqiiska ah ee siyaasiga xisbiga KD ay ku doonayso in ay ku soo jiidato taageerayaasha cunsuriyada, iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya qaxootiga. Ma ahan markii ugu horeysay ee Bilan Osman ay jawaab ka bixiso hadalada laga qoro Soomaalida, iyadoo bilihii la soo dhaafay dhowr mowduuc ku qortay wargeysyada ugu waaweyn Sweden sida Expressen. In Soomaalidu ay ka muuqdaan saxaafada oo la helo cid ka jawaabta hadalada micno darada ah ee laga qoro Soomaalida ayaa ah mid aad u muhiim ah, iyadoo Bilan Osman ay mahad iyo aqoonsi ka mudantahay Soomaalida ku nool Sweden.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here