Home Wararka Maanta Sweden: Labo Qof oo lagu ganaaxay 1,000 kr Sharci Cusub oo bilowday...

Sweden: Labo Qof oo lagu ganaaxay 1,000 kr Sharci Cusub oo bilowday Bishan oo loo Cuskaday

1
Photo: marcela laskoski / unsplash

Sweden bilowga bishan waxaa ka bilowday sharci cusub kaasi oo dhigaya in ganaax la dul dhigo qof walbo oo muusiga kaarigiisa dheereeya cod aad u sareeya.

Durba Umeå booliska ayaa warinaya in labo qof lagu ganaaxay min 1000 kr markii lagu helay muusiga gaariga oo aad u sareeya.

Sida uu warbixinta Booliska ku shaaciyay bogooda qofka hore ayaa lagu qabtay bartamaha magaalada goob la dhigto gawaarida mudo saacad kadib qofka kale ayaa la qabtay waxana la badooda lagu ganaaxay lacagtaasi oo dhigaya sharciga dhawaan wadanka ka bilowday.

Jesper Mollander oo u hadlay booliska isla markana qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in codka muusigada uu hurdada ka carqaladeenayo dad badan oo xiliga habeenki jiifa.

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here