Home Wararka Maanta Sweden:- Dadweynaha oo laga codsaday in aysan u safrin wadanka Denmark

Sweden:- Dadweynaha oo laga codsaday in aysan u safrin wadanka Denmark

0

Ha tagin Danmark – tani waa baaqii ka soo yeedhay golaha gobolka Skåne ee wadanka Sweden, oo hadda qaatay talobixin u gaar ah marka ay timaado safarada caadiga ah.

Photo JOHAN NILSSON/TT

– Waxaan kula talinayaa dadka degan Skåne ineysan hada wax safar ah ku soo qaadan Denmark.

Tirada caabuqyada ayaa ku sii kordheysa Danmark , waxaana la soo saaray xayiraad cusub oo la saaray isu imaatinka iyo baararka iyo maqaayadaha dalka. Aagga caasimadda, sida waddanka intiisa kale, goobaha laga cunteeyo ayaa la xiraa ugu dambeyn 10-ka habeennimo.

Xubin ka tirsan golaha deegaanka Carl Johan Sonesson (M) ayaa jimcihii la soo baxay qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee Facebook isaga oo talooyin dhawr ah u soo jeedinaya dadka reer Skåne, oo ay ka mid tahay inaysan tegin Denmark haddii aan loo baahnayn.

– Waad arki kartaa in xaaladda infekshinka ee Danmark aad uga sarreeyso mida skåne, ayuu u sheegay wargayska TT.:

– Mette Frederiksen (Ra’iisul wasaaraha Danmark, ayaa xayiraad ku soo rogtay Danmark. Waxay xiraan baararka 10-ka habeennimo, waxaanna u maleynayaa inay muhiim tahay in dadka Skåne ay ogaadaan taas.

Somaliska Malmö

Source/Aftonbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here