Home Wararka Caalamka Dowlada Ingariiska oo soo saartay Xayiraado Cusub oo wadanka ah guduhiisa ah

Dowlada Ingariiska oo soo saartay Xayiraado Cusub oo wadanka ah guduhiisa ah

0

Raiisel wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka hadlay Xayiraado cusub oo wadanka lagu soo rogay iyo Dadka dib ugu laabanaya xafiisyada shaqada, isagoo sheegay in dadku ay tahay inay ku shaqeeyaan guryahooda hadii ay macquul tahay inay gacan ka geystaan ​​yareynta faafitaanka cudurka coronavirus.

Mr Johnson wuxuu ku dhawaaqay xayiraad cusub ah, oo ay ku jiraan shuruudo looga baahan yahay makhaayadaha, iyo goobaha kale ee England in la xiro inta udhaxeysa 10:00 pm ilaa 5:00 am maalin kasta.

Wuxuu sheegay in Britain ay ku jirto “marxalad halis ah” oo ay tahay in ay hada wax ka qabato.

Dadku waa inay xirtaan marada Afka xiliga tagaasida la raaco, iyo sidoo kale inta ay isticmaalayaan xiliga gaadiidka dadweynaha, waxaana layareeynayaa kulamada la ogolyahay, iyadoo aroosyada laga dhigayo 15 qof halkii laga dhigi lahaa 30.

Qorshe dib loogu soo celinayo daawadayaasha garoomada ciyaaraha oo bilaabmaya bisha Oktoobar ayaa sidoo kale hakad la geliyay waxaana la kordhiyay ganaaxa ka jiray wadanka.

Ku dhawaaqistani waxay imaaneysaa maalin kadib markii dowlada Ingriiska la taliyayaasheeda sare ee dhanka latalinta iyo caafimaadka ay sheegeen in infekshanada loo yaqaan coronavirus ay sii labalaabmayaan toddobadii maalmoodba mar isla markaana ay kor u kici karaan 49,000 kun maalin kasta bartamaha bisha Oktoobar haddii aan wax laga qaban xakameynta qulqulka .

Somaliska London

Source/Abc

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here