Home Wararka Maanta Sweden Dacwad laga gudbiyay Shaqaale Qaatay Talaalka Saddexaad ee Corona

Sweden Dacwad laga gudbiyay Shaqaale Qaatay Talaalka Saddexaad ee Corona

0

Maamulka caafimaadka ee Jämtland Härjedalen ee Sweden ayaa dacwad booliis ah u gudbiyay saddex ka mid ah shaqaalaha waaxda caafimaadka iyo daryeelka ee degmada Östersund, ka dib markii ay heleen qiyaas saddexaad oo ah tallaalka coronavirus fasax la’aan.

Saddexda shaqaale kama tirsana mid ka mid ah kooxaha ay ku talisay Maamulka Caafimaadka Dadweynaha in lagu tallaalo qiyaasta saddexaad ee tallaalka Corona.

Sara Nilsson oo ah madaxa isgaarsiinta ee golaha deegaanka ee degmada Jämtland Härjedalen ayaa ka gaabsatay in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiso arrintan, iyadoo sheegtay in uu socdo baaritaan uu wado booliska.

Waxaa la rumeysan yahay in qiyaasaha lagu tallaalay shaqaalaha ay yihiin kuwo xad-dhaaf ah.

War saxaafadeed, Robert Brant, oo ah madaxa maamulka ee waaxda caafimaadka iyo daryeelka ee Östersund, ayaa yiri: “Baaritaan hoose ayaa hadda ka socda degmada gudaheeda kiiska. Intaa waxa dheer, dabcan, waxaanu kala shaqaynaynaa booliska baadhitaankooda. Maadaama ay tani tahay kiis booliis, wax dheeraad ah kama faalloon karno waqtigan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here