Home Wararka Maanta Stockholm:- Tirada dadka u dhintay Caabuqa Corona oo korortay Xili dib loosoo...

Stockholm:- Tirada dadka u dhintay Caabuqa Corona oo korortay Xili dib loosoo celiyay Shaqalaha Hoolgabka

0

Nawaaxiga gobolka Stockholm ayay aad kor ugu kaceen tirada dadka uu saameeyey fayruska corona. Illaa hadda waxaa u geeriyoodey corona tiro gaarsiisan 37 qof, halka 18 tiradaasi ka mid ahin ey geeriyoodeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

– Hirkii wuu na soo gaarey. Ma xaqiijin karno xoogga hirkaasi yeelan doono, balse dhexda ayaannu kaga jirnaa, sida uu sheegay Björn Eriksson, agaasimaha daryeelka caafimaad.

Waxaa illaa hadda la caddeeyey in saamiyadii laga qaadey lagu ogaadey 1 070 ey fayruska qaadeen, halka 300 oo ka mid ah lagu daryeeleyo goobaha caafimaad, 65-na lagu hayo dar yeel caafimaad oo joogto ah. Waana tiro ka badan 17 maalintii la soo dhaafey.. Iyada oo ey kor u kaceyaan tirada dadka fayruska qaaday ee da’doodu ka wayn tahay 70 jirro.

Waana howl culeeyska ku kordhineeysa goobaha caafimaadka dalka.

Xarummaha caafimaadka ayaa baahi ballaaran u qaba qalab iyo howl wadeenno intaba.

Waxaannu ka codsaneeynaa dhammaan wixii leh aqoon caafimaad iney gacan ka geeystaan wixii karaankooda ah. Taageero walba diyaar ayaannu u nahey, waanunna soo dhoweeyneynaa waayo waa loo baahan yahay, sida uu sheegay Björn Eriksson.

-Inta saacado aam dhammeeyn shaqeeysa inay buuxiso, ciddii dhowaanahan gashay howl gab iney soo laabtaan. Waxaannu sidoo kale codsi u dirney bulshada. Ma leedahay aqoon xirfadeed dhanka caafimaadka, nala soo xiriir, waannu ku baahanney iminka, sida uu sheegay Björn Eriksson.

Sidoo kale waxaa daryeelka caafimaad lagu hageyaa sidii looga hor tegi lahaa xaaladdan karkartay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here