Home Wararka Maanta Guryaha la dajiyo Qaxootiga Ku Cusub Sweden oo laga joojiyay Degmooyinka Qaar...

Guryaha la dajiyo Qaxootiga Ku Cusub Sweden oo laga joojiyay Degmooyinka Qaar ee Gobolada

0

Degmooyinka Sweden qaarkood ayaa joojiyay isla markana hakiyay Guryaha la dajiyo Qaxootiga ku cusub Dalka go’ankaasi oo ah mid ku meel gaar.

Go’anka lagu hakiyay Guryaha la dajiyo Qaxootiga ayaa laga soo saaray Degmada Kramfors halkaasi oo maalmihii ugu danbeeyay la geeyay Labo gaari oo Bus ah kuwaasi oo ka yimid dhanka magaalada Gävle.

Madaxa Laanta Socdaalka ee Degmadaasi ‘Cecilia Borgh’ ayaa warbaahinta u sheegtay si ku meel gaar ah loo hakiyay Shaqadan madama laga Cabsi qabo in cudurkan Coronavirus uu goobtaasi ku fido.

Go’aanadan Cusub ee bilaabeen Degmooyinka ku yaalla Gobolka Västernorrland ayaa ku soo aadaya iyadoo Sweden la tacaaleyso Dhibaatada ka dhalatay Cudurka Coronavirus

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here