Home Wararka Maanta Stockholm Dadka ku jiray Xaalada Deg dega oo Boqolkiiba 80% kasoo kabsaday

Stockholm Dadka ku jiray Xaalada Deg dega oo Boqolkiiba 80% kasoo kabsaday

1

Sida uu maanta ku waramay Madaxada Qeybta Xaalada Deg dega ee isbitalka Jaamacada Kroliniska David Kanrod waxaa soo kabsaday dadka ku jira Qeybtaasi Boqolkiiba 80%.

David Kanrod ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka ”Xaalada way ka wanaagsan tahay sida aan ka fileenay’.

Waxa uu intaasi ku daray in dadka ku jiray Xaalada Deg Dega ay noolyihiin Badankooda halka kuwa kale ay heleen Caafimaad kana soo baxeen qeybtaasi.

Tirada hada ku jirta Qeybta Deg Dega ayuu ku sheegay 177 Qof isoo intaasi ku daray in 216 Qof uu isbitaalka gaarsiin karo isla markana diyaar u yahay qaabilaadooda.

David ayaa mar kale Yiri ” Maahan isbitaalka Qeybteena oo kaliya Xataa guud ahaan Stockholm qeybaheeda Deg Dega waxaa jira Qeybo badan oo banaan iyadoo la gaarsiin karo 300 Boqol oo qof.

Ugu danbeyn ayuu sheegay in ay daweeyeen 127 Qof oo ku jirtay Xaalada Deg Dega ah Halka Maalin kasta ay diiwaan galiyaan 12 Qof oo kasoo baxay Xaaladaasi.

Somaliska Stockholm

Waxaa Turjumay Somaliska.com

AD

1 COMMENT

  1. Taarikhda ku qora wararkiina fadlan si loo ogaado wakhtiga .

    Ma arkaan akhristayaashu xiliga warka . Mararka qaar qar hal usbuuc ka hor aad qorteen ayaan u malaynaa inaa hada qorteen

    Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here