Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo la hadlay warbaahinta Expressen ayaa wareysiga uu siiyay waxa uu kaga hadlay Xaalada sweden gaar ahaan Kooxaha gangiska wareysiga ayaa ahaa mid lagu waydiiyay arimo su’alo dhoor ah.
Stefan löfven mar uu soo hadal qaaday kooxaha gangiska ee maalmihii u danbeeyay khilaafka ka dhex jiray isla markana iska tooggay dhoor qof ayaa sheegay in Qowmiyad gooni ah aysan laheen ama masuul ka aheyn waxa socda.
Hadalkaasi ayaa ah mid Raisul wasaaraha uu ku taageerayo Dadka ajaanibta oo kooxahan kasoo jeedaan madama warbaahinta qaar ay muujiyaan in Kooxahan kasoo jeedaan dhulka ay ajaanibta ku badan tahay.
Stefan ayaa hadalkiisa ku daray in Qof walbo ay masuuliyad kasaaran tahay joojinta Kooxaha gangiska gaar ahaan bulshada sida in Booliska u soo gudbiyaan Xogo muhiim ah oo ku aadan kooxahan.
” ma u maleenayo in Ajaanibta ama Qowmiyad gooni ah ay ka danbeeyaan arimaha Gangiska ama wadanka uu kasoo jeedo kaliya waa dambi la geestay” ayuu yiri Stefan oo ka jawaabay su’al la xiriirta gangiska.
Ugu danbeyn ayuu sheegay in Booliska ay gutaan waajibka saaran isla markana Shacabka ay caawiyaan Booliska si looga hortago Falalkan amniga ka hor imaanaya.
Somaliska Stockholm