Home Wararka Maanta Jönköping:- Waalid laga qaatay Sadex Caruur Sababo La xiriira Corona

Jönköping:- Waalid laga qaatay Sadex Caruur Sababo La xiriira Corona

0

Maxkamad ku taalla Degmada Jönköping ayaa gaartay Xukun la xiriira in sadex Caruur ah laga qaato waalidkooda Sababo la xiriir Xanuunka Corona Maxkamada ayaana lasoo hordhigay Cadeymo muujinaya Qaladaadka ay waalidka u geesteen Caruurta.

Waalidka ayaa Caruurta u diiday in banaanka u baxaan mudo afar bilood ah waxaana ay Alwaax ku xireen albaabka guriga taasi oo keentay in caruurta ay banaanka u soo bixiwaayeen.

Maxkamada ayaa go’aamisay in caruurta si qasab ah loogu wareejiyo Goob daryeelka Caafimaadka ah.

Waalidka dhalay Caruurta oo asalkooda yahay Ajanabiga ayaa sheegay in ay Xukunka Racfaan ka qaadanayaan si dib loogu soo celiyo caruurtooda waxayna ku doodeen in aysan caruurtooda qasbin.

Photo Jonas Ekströmer / SCANPIX / TT

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here