Home Wararka Maanta Stefan löfven oo ka hadlay sida wadanka looga qaadayo xayiraada saaran dibna...

Stefan löfven oo ka hadlay sida wadanka looga qaadayo xayiraada saaran dibna loogu furilahaa

0

Raisal wasaaraha Sweden Stefan ayaa ka hadlay hoos u dhaca ku yimid xanuunka corona ee isbuucayadii ugu danbeesay kadib qoraal uu so dhigay bartiisa Facebooka waxaan uu dhanka kale Qoraalkaasi ku soo qaaday habka loo qaadayo xayiraada saaran Wadanka.

ugu horeyn Stefan ayaa sheegay in hoos u dhaca Xanuunka aysan aheyn in uu xanuunka dhamaaday lakin ay jirto dhibaatada uu leeyahay iyo saameentiisa dhanka fidista.

Stefan ayaa sheegay in wadanka xayiraada saaran aan la qaadi karin mar qura lakin Dowlada qorsheeneyso in loo qaado si tartiib tartiib ah waa hadii xaalada Corona ay ku sii socoto sidan.

Shacabka Sweden ayuu ugu mahadceliyay sida ay u qaateen talooyinka laanta socdaalka madama sababtaasi ay ku timid in uu xanuunka hoos u dhaco.

Waxa uu aad u amaanay go’anka Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ay shalay kasoo saartay xanibaada saaran dadka waayeelka ee da’dooda ka sareyso 70 sano jirka kuwaasi oo horay loo saaray xanibaado kala duwan.

Sweden ayaa qorsheeneysa in ay wadanka furto hadii xaalada Corona ku socota sida hada madama ay hoos u dhacday tirada dadka u dhinta iyo kuwa qaada Convid 19.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here