Home Wararka Maanta Stefan löfven oo ka hadlay la dagaalanka rabshadaha Gangiska iyo Xaalada Corona...

Stefan löfven oo ka hadlay la dagaalanka rabshadaha Gangiska iyo Xaalada Corona ee Wadanka

0

Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo ka hadlay xaruunta Barlamaanka maanta gaar ahaan dooda Barlamaanka ayaa diirada saaray arimaha rabashada ka jira wadanka.

Löfven ayaa sheegay in Sweden ay la dagaalameyso rabashada ka jira wadanka ilaa gunta hoose.

waxana uu sheegay in Sweden ay wajaheyso dhibaato dhanka rabshada ah kuwaasi oo saro u kacay sanadihii u danbeeyay.

Dhanka kale ayuu ka hadlay hadalka shalay kasoo baxay booliska Yurub ee lagu sheegay in Sweden si feecan uga qeyb qaadatay arimaha looga hortagey rabshada kadib markii ay qabteen 155 qof oo lagu heesto arimo dambi.

Waxa uu sheegay in arintaasi ay aheyd guul weyn oo sweden u soo hooyatay taasi oo looga soo horjeedo kooxaha gangiska ee dambiyada geesta.

ugu danbeyn ayuu ka hadlay arimaha Corona waxana uu yiri ” Sweden dib uguma laabaneyso sidii hore marka la qaado arimaha xayiraadaha wadanka ka jira ” waxa intaasi ku daray.

” si aan u soo celino nolosha caadiga waxaan isticmaalidoonaa dhaqaalo xoogan ”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here