Home Wararka Maanta Somalida Västerås oo soo dhaweesay Raaligalinta Maamulka Degmada ee falkii dhawaan dhacay

Somalida Västerås oo soo dhaweesay Raaligalinta Maamulka Degmada ee falkii dhawaan dhacay

0

Kadib markii xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Västerås ay war been ah ka sheegtay Somalida ku nool magaaladaasi waxaa dood dheer kadib cadaatay in warkaasi uu ahaa mid been abuur ah.

Duqa Degmada ayaa fariin muuqaal ah uu soo duubay waxa uu raaligalin siiyay Somalida iyo wararkaasi been abuur ah ee laga baahiyay waxaana qeyb ka ahaa madaxa Shaqaalaha Degmada.

Somalida oo soo gaartay fariinta Dowlada gaar ahaan Maamulka ayaa soo dhaweeyay raaligalinta uu bixiyay Duqa ee ku aadan warkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaanada ka tirsan Golaha Deegaanka Västerås ay baahisay fariin sheegeysa in Somalida ku qubeestaan biyaha lagu dhaqo meydka taasi caro xoogan ku abuurtay Somalida lakin waxay sheegtay in fariinta ay ula jeeday ka hortaga Coronavirus

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here