Home Wararka Maanta Anna Ekström ” Waxaan joojinay Dabaal daga Sanadkan ee Iskuulada Waxbarashada Sare”

Anna Ekström ” Waxaan joojinay Dabaal daga Sanadkan ee Iskuulada Waxbarashada Sare”

0

Dalka Sweden Waxaa Sanad walbo ka dhaca dabaal dag la xiriira ardayda dhameesatay Qeybta sare ee Iskuulka kuwaasi oo qaata Koofida Gaduudan ama Cas hase yeeshee nuuca Dabaal daga ayaa ka duwan Sanadkan sidii hore ee uu u dhici jiray.

Wasiirada Waxbarashada Sweden Anna Ekström oo warbaahinta u qabatay Shir jaraa’id ayaa cadeesay in Dowlada ay sanadkan hakisay Dabaal daga iyo Xafladaha waaween qaasatan kuwa ay ardayda iyo dadka kale iskugu yimaadaan halka meel si farxada iskula qeyb sadaan.

Wasiirada ayaa shirka jaraa’id ku cadeesay sababta loo hakiyay Xafladaha ay tahay sidii looga hortagi lahaa Caabuqa Xanuunka Coronavirus ee Xiligan dhibaatada ku haya Dalka iyo sidii loo yareen lahaa faafitaankiisa.

Maaha wax weyn in la boodboodo, ayay tidhi wasiirka waxbarashada Anna Ekström.

Go’anka Dowlada ee lagu joojiyay Xafladaha Sanadkan ee Iskuulada waxbarashada ayaa ku soo aadeysa iyadoo horay loo hakiyay isku imaatinka 50 qof iyo wixii ka badan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here