Home Wararka Caalamka Somali ku jirta ku dhawaad 100 Qof oo ku dhimatay Dooni ku...

Somali ku jirta ku dhawaad 100 Qof oo ku dhimatay Dooni ku dagtay Xeebaha Dalka Giriiga

0

Wararka ka imaanaya dalka Giriiga ayaa sheegaya in ay degtay doon nuuca kaluumeesiga ah oo waday muhaajiriin badan oo kasoo safray dalka Turkiga, kuwaa oo doonayay in ay galaan dalka Gariiga.

Inta la xaqiijiyay muhaajiriin gaaraysa 79 qof ayaa ku geeriyootay doonta ay la socdeen muhaajiriinta oo ku degtay badda Giriiga, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha dhimasho ee ka dhashay doonta degtay.

Ciidamada badda dalka Giriiga ayaa sidoo kale soo bad baadiyay in ka badan 100-qof oo kamid ahaa dadkii la socday doonta qaraqmatay, waxaana jira dad badan oon ilaa hadda nolol iyo geeri aan lagu heyn.

Muhaajiriinta doonta degtay ku dhintay ayaa u badan kuwa kasoo kala jeeda dalalka Syria, Pakistan iyo Masar, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in Soomaali ku jiraan dadka doonta degtay la socday.

Ciidamada badda dalka Gariiga ayaa wada howlgalo ay ku baadigoobayaan dad wali la tuhmayo in ay nool yihiin, waxa ayna musiibadan noqotay tii ugu darneed ee muddooyinkan ka dhacda biyaha dalka Gariiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here