Siyaasi xag jir ahaan jiray oo u dhashay Jarmalka oo qaatay diinta Islaamka

0

Ninka lugu magacaabo Arthur Wagner, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga middig fog ee AFD ee dalkaasi Jarmalka, ayaa gebi ahaanba iskaga bxay xisbbigaasi, ka dib markii uu qaatay diinta Islaamka.

Afhayeen u hadlay xisbbigaas ayaa warbaahinta dalkaasi ka soo xigtay warkan sheegaya in Arthur oo ahaa xubin sare oo xisbiggooda ah uu qaatay diinta Islaamka balse weli yahay xubin ka tirsan xisbigooda magac ahaan marka la eeggo. Xisbigan  oohorey caan ugu ahaa naceybka uu hayo muslimiinta, ayaa sheegay in diinta Islaamka aannu sharciga u degsan dalkaasi boos uga banaaneyn, islamarkaasina ay ka soo horjeedaan maasijdo minaadaro leh laga dhiso dalkaasi iyo xijaabka indho shareerka oo haweenku qaataan.

Xisbigan ayaa noqotay xisbigga seddexaad ee ugu weyn ka dib doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii sibteembar ee ina dhaaftay. Xisbiggan ayaa sidoo kale ku doodaya ineey aamisan yihiin xorriyadda diimaha hase ahaatee ficiladooda iyo hadaladooda naceybka ku yihiin kuwo ka tarjumayo aragto fog oo ka dhanka ah Islaamka iyo dadka muslimiinta dalkaasi.

Lama oga sababbaha keenay in siyaasigan afkaatiisa ay middigta u jan jeertay qaato diinta Islaamka. Balse waa mid filan waa ku noqotay dhamaan xubbnaha xisbigaasi ee naceybka Islaamka caanka ku ah.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here