Göteborg: Nin lugu soo eeddeeyey inuu gudniin ku sameeyey gabar uu dhalay

0

Magaalo madaxda labaad ee dalkaan Iswiidhan ee Göteborg, ayaa aabbe ku dhaqani waxaa lugu soo oogay dacwad la xirriirta inuu gudniin ku sameeyey gabar uu dhalay. Ninkan ayaa sidoo kale lugu eedeeyey inuu sannaddo badan jir dil u geeysan jiray.

Waergeyska Göteborgs Psoten oo dhacdadan daabacay ayaa sheegay in gabadhani ay la xirriirtay qof ka howl gala iskuul ku yaala magaaladda Göteborg oo ay u sheegtay falka aabbaheed ku sameeyey. Waxaana ay arrintani Arrintan keentay in ugu dambeyntii in lala tiigsado sharciga.

“Waxaan u maleeynaya in gabadha lugu guday dalka gudihiisa,  waana mid aan la aqbali karin oo aan caadi aheyn” ayuu yiri  Mats Ihlbom oo ah xeer ilaaliye gacanta ku haya kiiskan una waramayey wargeyska GP. Aaabahan ayaa waxaa la soo qabtay  maalintii talaada ee toddobaadkan. Wuxuu inkiray oo iska fogeeyey dhamaan eedeeymaha loo heeysto ee ah jir dil iyo gudniinka iskugu jira.

Ugu dambeyntiina ninkan ayaa waxaa dacweeyey gabar uu dhalay oo la xirriirtay shaqsi ka howl galka iskuul ku yaala Göteborg. Da’deediuna  haatan  waa dhowr iyo toban jir. Su,aasha haatan taagan ayaa ah goormee falkan abaaha u geeystay gabadhiisa?.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here