Home Wararka Caalamka Shirkadaha Diyaaradaha ee Skandinavia-ka oo joojiyay Marada Afka lagu Xirto

Shirkadaha Diyaaradaha ee Skandinavia-ka oo joojiyay Marada Afka lagu Xirto

0
Photo: Francois Van / Unsplash

Shirkadaha diyaaradaha ee Norwegian iyo Widerøe ayaa joojiyay marooyinka afka lagu xirto. SAS ayaa ku dhawaaqeysa go’ankeeda , halka Flyrna ay meesha ka saarayso shuruudaha safarka oo dhan.

Tani waxay marka hore khusaysaa duullimaadyada u dhexeeya Norway, Iswidhan iyo Danmark, iyo sidoo kale duullimaadyada gudaha. Laakiin haddii rakaabka qaarkood ay rabaan, dabcan waxay isticmaali karaan waji-xidhka. Qof kastaa waa inuu dareemaa badbaado, ayay E24 ku tidhi lataliyaha dhinaca xidhiidhka ee Silje Glorvigen

Warka ayaa imaanaya ka dib markii dowladdu ay ku dhawaaqday inay joojineyso ku dhawaad ​​​​dhammaan tallaabooyinka corona.

joojinta shuruuda afka ee Norwegian iyo Widerøe ayaa durba ka bilaabatay guud ahaan Dalka Norway iyo Sweden

SAS waxay sugaysaa inay meesha ka saarto shuruudaha af-xidheenka ilaa Talaadada maanta ama Arbacada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here