Home Wararka Caalamka Ruushka oo go’an kasoo saaray Ciidankiisa ku sugan Xadka Ukraine

Ruushka oo go’an kasoo saaray Ciidankiisa ku sugan Xadka Ukraine

0
Photo/AP

Subaxnimadii Talaadada, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay ka baxayso qaar ka mid ah ciidamadeeda xadka Ukraine.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Igor Konashenkov ayaa yiri “Cutubyada ciidamada koofurta iyo galbeedka ee howshooda soo gabagabeeyay waxay bilaabeen inay dib u soo laabtaan (…) waxayna ciidamadu sameeyeen dhoolatus dagaal, sidii qorshuhu ahaa, waxaana dhoolatusyada qaar ay yihiin kuwa wali waa socotaa.”

Dhoolatuskan militari ayaa la qorsheeyay in lasoo gaba gabeeyo 20-ka bishan Febraayo iyadoo dhoolatus ballaaran laga sameyn doono gobolka, kaasoo ah dhoolatus dagaal oo ay iska kaashanayaan Ruushka iyo Belarus.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha reer galbeedka ayaa sii waday inay ka digayaan duullaan lagu soo qaado daqiiqad kasta, iyagoo sheegay in “qaar ka mid ah ciidamada Ruushka iyo qalab milatari ay u socdaan dhinaca xadka.”

Ruushka ayaa ku dhawaad ​​130,000 oo askari geeyay meel u dhow xadka Ukraine, oo ay ku jiraan ilaa 30,000 oo askari oo ka qeyb qaadanaya dhoolatus militari oo ka socda Belaru

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here