Home News in English Sharciyada Cusub ee Qaxootiga Sweden ee Dowlada Cusub Qorsheeneyso

Sharciyada Cusub ee Qaxootiga Sweden ee Dowlada Cusub Qorsheeneyso

0

Dowlada Cusub ee Sweden kana socota dhanka Xisbiyada Midig ayaa la filayaa inay bilowda shaqadeeda iyo Heshiisyada ay horay u balan qaaday.

Bahda Somaliska ayaa Sharaxaad ka bixineysa Sharci Walbo iyo isbadalka uu leeyahay iyo kuwa horay u jiray waxa lagu soo kordhiyay qebta maanta waxaan ku eegeynaa arinta Qaxootiga.

Sharciyada Cusub ee Qaxootiga.

Sweden ayaa Sanad Walbo Qaxooti kasoo qaadata Caalamka gaar ahaan wadamada ay Colaadaha ay ka jiraan.

Dowlada Cusub ayaana dooneysa in Qaxootiga imaanaya Sweden ugu horeen laga yareeyo tirada hada ah lagana dhigo tiro lamid ah ama ka yar Wadamada kale ee Yurub.

Sharciga ayaa dhigaya Sidoo kale in Qaxooti Walbo oo soo gala Sweden xita kuwa lasoo qaaday la siiyo Sharci kumeel gaar ah halka maanta sharci abadi ah la siiyo kuwa lasoo qaado.

si lamid ah kuwa dalka iska dhiiba ayaa sharcigooda sii ahaanaya mid ku meel gaar ah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here