Hadda waxaa soo baxay sharci cusub oo ku saabsan fayraska loo yaqaan ‘corona virus’. Haddii aad la nooshahay qof
qaba cudurka corona virus waa inaad guriga joogtaa.
Xitaa haddii adigu aad caafimaad qabto. Waxaad joogi doontaa guriga toddobaad.
– Waxaan aaminsanahay inay tani yareyn karto
faafitaanka fayraska. Sidaas waxaa yidhi Anders Tegnell oo
ka tirsan wakaaladda caafimaadka bulshada.
Khasab kuguma aha inaad raad raac ku sameysid naftaada.
Daryeelka caafimaad ayaa kula soo xiriiri doona
haddii aad u baahato inaad guriga joogto.
Xeerka cusubi wuxuu khuseeyaa dadka waaweyn oo kaliya.
Carruurta aada dugsiga barbaarinta ama dugsiga hoose
waxay sii aadayaan iskuuladooda
Qof kasta oo guriga jooga wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado lacag. Waxaa loo yaqaan ‘smittbärarpenning.’
Somaliska Stocholm