Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo Ingariiska ku eedeeyay Jabinta Heshiiska Brexit

Midowga Yurub oo Ingariiska ku eedeeyay Jabinta Heshiiska Brexit

0

Midowga Yurub wuxuu bilaabayaa dacwad sharciyeed ka dhan ah Boqortooyada Ingiriiska oo jabisay heshiiskii Brexit ee lagu heshiiyey.

Soo jeedinta ayaa la xiriirta in Dowlada Uk jabisay balanqaadkii ahaa in lagu dhaqmo rabitaan wanaagsan oo ku jira heshiiska ka bixitaanka, ayay tiri madaxweynaha guddiga Ursula von der Leyen.

Komishanka Yurub waxay bilaabeen hanaan sharci ah oo ka dhan ah Ingiriiska oo loo arko inuu hareer marayo heshiiskii ka bixitaanka ee lagu heshiiyey ee EU.

“Hindisahan ayaa ah, dabeecad ahaan, jebinta ballanqaadkii wanaagsanaa ee ku jiray heshiiska ka bixitaanka,” ayay ku tiri Madaxa Guddiga Ursula von der Leyen war-saxaafadeed ka dhacay Brussels.

Warqad ayaa loo diray London, taas oo dawladda Ingiriisku haysato hal bil oo ay kaga jawaabto, ka hor intaan Guddigu go aan ka gaadhin sida loo sii wado.

Tallaabada Midowga Yurub waxay hoosta ka xariiqeysaa xiriirka sii xumaanaya ee Boqortooyada Ingiriiska, kaasoo qayb ka ahaa Midowga illaa 31 Janaayo horaantii sanadkan.

Somaliska Stockholm Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here