Sharci Cusub: Norway Dadka qaatay Lacagta Shaqo La’anta (dagpenger) oo helaya Lacagta Fasaxa

Foto: Gorm Kallestad / NTB

Barlamaanka Norway ayaa Ansixiyay Isbuucii Hore Sharci Cusub kaasi oo u ogolaanaya Dadka Qaata Lacagta Shaqo La’anta (dagpenger) in ay heli karaan Lacagta Fasaxa waxa Afka Norwegian lagu dhaho (feriepenger)

Hadaba Waxaa helaya Lacagta Fasax

Qofka Qaatay lacagta Shaqo La’anta Sanadkii hore inta u dhaxeysay A bilaha April ilaa December 2020.

Qofka doonaya in uu qaato Lacagta Fasaxa waa in uu ugu yaraan 8 isbuuc qaadanayay Lacagta Dagpenger.

Dadka badan ayaa Xili Kuleelaha doonaya Fasaxyo waxaana Go’anka Barlamaanka ay fursad u tahay Dad badan oo doonaya in ay wadanka uga Baxaan Fasax.

Tan iyo Sanadkii Hore Dowlada ayaa sameeysay isbadalo Cusub oo dhanka Sharciyada ah.

Somaliska Oslo

Xigasho dagbladet

Somaliska Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.