Home Wararka Maanta Sawiro Norway Gabar Somaliya ah oo Taksiile ka noqotay Dalkaasi iyadoo Xijaabsan..

Sawiro Norway Gabar Somaliya ah oo Taksiile ka noqotay Dalkaasi iyadoo Xijaabsan..

0

Gabar Soomaaliyeed oo kunool dalka Norwey ayaa kamid noqotay Taksiilayaasha ka howlgala dalkaasi, waxaana gabadhan oo xiran xijaab iyo dhar asturan soo jiidatay Warbaahinta dalka Norwey.

Shugri Axmed oo gabar Soomaaliyeed ah ayaa shaqo ka heshay shirkada Takaasida ee Din Taxi, waxaana gabadhan la sheegay in ay tahay gabadhii ugu horeesay oo Soomaali ah iyada oo xijaaban Taksiile ka noqota dalka Norwey.

Waxa ay  sheegtay Shugri Axmed in shaqadan ay tahay mid ay ku haminaysay islamarkaana ay ka go’antahay inay sii wado, waxa ayna dumarka Soomaaliyeed ku dhiiro galisay in shaqadan oo kale iyo kuwa kalaba ka shaqeeyaan.

Dumarka Soomaaliyeed ee qurbaha kunool ayaa inta badan ka shaqeeya shaqooyin aan aheyn Taksiilanimo, waxa ayna gabadhan Soomaalieed ku dhiiratay in Taksiilo noqoto iyada oo xijaabkeeda wadata.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here