Home News in English Midowga Yurub oo Joojinaya Qaxootiga Ka Imaanaya Qaarada Africa ee soomara Bada...

Midowga Yurub oo Joojinaya Qaxootiga Ka Imaanaya Qaarada Africa ee soomara Bada Liibiya.

0

Midowga Yurub oo Joojinaya Qaxootiga Ka Imaanaya Qaarada Africa ee soomara Bada.

Kulan u dhaxeeya Wasiirada Midowga Yurub oo ka dhacay Wadanka Austria Isbuucii hore ayaa loo hadlay Sidii loo joojin lahaa Qaxootiga ka imaanaya Qaarada africa.

Wasiirada ayaa kulankooda isku raacay Joojinta Qaxootiga ka imaanaya Qaarada Africa iyo in loo sameeyo Xaruumo iyo Kaamam Cusub.

Qorshaha Midowga Yurub isku raacay waxaa kamid ah in dib loo celiyo Qaxootiga iyo Muhaajiriinta Marka lagu qabto Mada Miditreniyanka.

Dhanka Kale ayay Kulankooda waxay isku raaceen in Kaamam laga sameeyo Waqooyiga Africa halkaasi oo dacwada looga qaadayo dadka imaanaya Yurub hadii qofka uu helo ogolaansho.

Xaalada Yurub ayaa adkaatay kadib markii Taliyaaniga uu sheegay in uu joojinayo doomaha wada Qaxootiga ee ku soo xiranaya dakadahooda xili arintaasi wal wal ka muujisay Heléne Fritzon oo ah wasiirada sweden ee midowga yurub.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here