Home Wararka Maanta Saro u kac ku yimid Kirada Guryaha Sweden ee Goobaha Ajaanibta Degto

Saro u kac ku yimid Kirada Guryaha Sweden ee Goobaha Ajaanibta Degto

0

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in shirkadaha guryaha ee gaarka loo leeyahay ay si aad ah kor ugu qaadayaan kirooyinka meelaha ay ku nool yihiin dadka dakhligoodu yar yahay. Dhanka kale, wasiirka guryeynta Mirta Stenevi ayaa ku hanjabtay in ay adkeyn doonto mas’uuliyadda ka saaran bixinta guryaha. Sida laga soo xigtay SVT.

Cilmi-baaris uu sameeyay machadka cilmi-baarista RISE ayaa daaha ka qaaday in shirkadaha guryaha ee meelaha ay deggan yihiin dadka danyarta ah ay dib u habeyn yar ku sameeyaan guryaha, iyagoo kor u qaadaya kirooyinka. 

Tirakoobku wuxuu muujiyay in dadka dakhligoodu yar yahay ee ka kiraysta shirkadaha gaarka loo leeyahay ay bixiyaan kiro aad uga badan kuwa ka kiraysta shirkadaha dawladda. Kordhinta kiradu waxay saamaysaa qaybtan ilaa xadka ay kirooyinka ku kordheen iyaga oo ka badan kuwa dadka intiisa kale.

“Waxaan aragnaa isbeddel ku yimid kaydka hantida halkaas oo ay uga sii darayso dadka dakhligoodu yar yahay, halka tirada guryaha kirada yar ay hoos u dhacayso muddada dheer,” ayuu yidhi Michael Mangold.

Martin Grander, oo ah cilmi-baare guriyeynta oo ka tirsan Jaamacadda Malmö, ayaa ka hadlay daldaloolo ay ka faa’iideysteen shirkadaha guryaha, halkaas oo milkiilayaasha guryaha gaarka ah aysan dib u cusboonaysiin guriga ilaa uu kireystuhu ka tago. Dabadeed guriga waa la cusboonaysiiyay oo kirada waa la kordhiyaa iyada oo aan loo baahnayn ogolaanshaha kiraystah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here