Home Wararka Maanta Sanadkan Gudahiisa 22 Toogasho oo dhimasho ah ayaa ka dhacday caasimadda Stockholm

Sanadkan Gudahiisa 22 Toogasho oo dhimasho ah ayaa ka dhacday caasimadda Stockholm

0
Foto Mikael Fritzon / TT

Tirakoob uu sameeyay booliska Sweden ayaa muujiyay in 31-kii October ee sanadkan ay 22 toogasho oo dhimasho ah ka dhaceen caasimadda Stockholm .

Booliska ayaa sheegay in ay heleen 115 warbixin oo ku saabsan shilal toogasho ah oo ka dhacay gobolka Stockholm oo kaliya.

Waxayna sharaxday in ninka dhalinyarada ah ee lagu dilay habeenimadii jimcaha ee galbeedka Stockholm, dhaawacii soo gaaray, uu yahay dhibbanihii 22-aad ee naftiisa ku waayay toogasho ka dhacday Stockholm, sanadkan oo kaliya.

Booliisku waxay caddeeyeen in qayb weyn oo ka mid ah toogashada lala xiriirin karo khilaafyada la xiriira burcadda.  

Waxay tilmaantay inay eegayso fursado badan oo ay ku gaadhi karto xaqiiqooyin ku saabsan asalka dembiyadan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here