Home Wararka Caalamka Salwan Momika oo 12 Codsi oo lagu gubayo Quraanka Kariimka Codsaday

Salwan Momika oo 12 Codsi oo lagu gubayo Quraanka Kariimka Codsaday

0
Photo Fredrik Sandberg / TT

Salwan Momikaws ayaa soo gudbiyay 12 codsi oo cusub oo ku saabsan isu imaatinka, kuwaas oo uu damacsan yahay in lagu gubo Qur’aanka, meelo kala duwan oo ka mid ah magaalooyinka Sweden ee Stockholm , Malmö iyo Orebro.

Waxaana sida ku cad codsiyada uu booliska u gudbiyay shalay, uu ku talo jiro inuu qabto kulamadan saddexda toddobaad ee soo socda, sida ay sheegtay idaacadda Ekot.

Booliska Sweden ayaan wali ogolaan ogolaanshaha loo baahan yahay in la isugu yimaado, balse afhayeen u hadlay ayaa idaacada u sheegay in la ogolaado in la fasaxo kulamada dadweynaha sida ugu macquulsan, kadib markii uu booliisku qiimeeyay codsiga.

Sharciga nidaamka dawliga ah waxa uu farayaa booliisku inay bixiyaan ogolaanshaha isu imaatinka dadweynaha ilaa iyo inta ay awoodaan inay sugaan amniga kuwa jooga iyo sidoo kale gaadiidka goobta loo qoondeeyay.

Waxayna dowladda Sweden dhawaan ku dhawaaqday inay bilaabeyso baaritaan lagu sameynayo sharciga laftiisa, si booliska loo siiyo awood ay ku diidi karaan codsiga haddii ay ku jirto khataro dhanka ammaanka ah oo ku wajahan Sweden.

Xigasho: sverigesradio.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here