Home Wararka Caalamka Saddex Qof oo ku Dhaawacmay Toogasho ka dhacday Södertälje

Saddex Qof oo ku Dhaawacmay Toogasho ka dhacday Södertälje

0
Foto: Jonas Carnesten/Sveriges Radio

Saddex qof ayaa laga helay bannaanka hore ee Hovsjö ee Södertälje iyagoo qaba Dhaawacyo Rasaas av sida uu booliisku ku qoray bogga maamulka. Saddexdaba waxa loo qaaday cusbitaal.

Horay ayay boolisku u sheegeen in afar qof la toogtay, balse hadda waxaa la Xaqiijiyay saddex qof.

– Laba ka mid ah waa niman 18 jir ah, ma aqaan wax intaas ka badan, ayay afhayeenka bilayska Nadya Norton u sheegtay TT.

Howlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada booliska ayaa socda, balse wali ma jirto cid loo soo qabtay. Norton kama jawaabi karo haddii uu jiro xiriir ka kala dhaxeeya dembiyada gaangiska.

Toogashada ayaa loo baarayaa inay tahay isku day dil iyo dembiyo hub oo culus.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here