Home Wararka Caalamka Mudaaharaadyo cadaadis lagu saarayo Netanyahu oo ka dhacay Talaabiib

Mudaaharaadyo cadaadis lagu saarayo Netanyahu oo ka dhacay Talaabiib

0
Foto: Lisa Leutner/AP

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay fiidnimadii xalay magaalada Talaabiib, iyagii dalbanaya in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, kuwaas oo tiradoodu tahay 137, qaybna ka ahaa 240 Israa’iiliyiin ah oo ay kaxaysteen Xamaas intii uu socday weerarkii 7-dii Oktoabar.

Dibad-baxayaashu waxay lulayeen calamo, iyagoo sitay sawirrada Israa’iiliyiinta ilaa hadda ku xiran Qaza.

Boorar ay ku qornaayeen: “Way nagu kalsoon yihiin inaan ka saarno cadaabta,” halka boorar kale ay ku qornaayeen: “Gurigooda keen.”Intii ay socdeendibadbaxyadu, waxaa lasoo bandhigay muuqaalo laga duubay qaar kamid ah Israa’iiliyiintii horey loogu siidaayay heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga.

Intii ay socdeendibadbaxyadu, waxaa lasoo bandhigay muuqaalo laga duubay qaar kamid ah Israa’iiliyiintii horey loogu siidaayay heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga.

In ka badan 100 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sii daayay intii uu socotay xabad joojintii toddobaadka ahayd, ee dhammaatay 1-dii Diiseembar. Wixii intaas ka dambeeyay, dagaalku wuu soo cusboonaaday, Israa’iilna waxay sii waday weerarka ay ku hayso Qaza.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here