Home Wararka Maanta Sacuudiga oo Mamnuucay soo galitaanka 20 Dal oo Sweden ku jirto

Sacuudiga oo Mamnuucay soo galitaanka 20 Dal oo Sweden ku jirto

0
Photo: Wikimedia Commons/Noumenon

Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay ka hortageyso soo gelitaanka dadka ka imanaya 20 dal oo ay ku jirto Sweden, laga bilaabo 21:00 maanta, Arbacada, si loo xadido faafitaanka cudurka Corona. Waxay ka reeban tahay muwaadiniinta Sacuudiga, diblomaasiyiinta, xirfadlayaasha caafimaadka iyo qoysaskooda. Sida uu sheegayo Al-Sharq Al-Awsat.

Ilo wareed rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay sheegay in Boqortooyada ay go’aansatay inay si ku meel gaar ah u joojiso gelitaanka Boqortooyada – dadka aan u dhalan, diblomaasiyiinta, xirfadlayaasha caafimaadka iyo qoysaskooda, kuwa ka imanaya: Argentina, Emirates, Germany, America, Indonesia , Ireland, Italy, Pakistan, Brazil, Portugal, Britain, Turkey, South Africa, Sweden, Switzerland, France, Lebanon, Egypt, India iyo Japan, iyo kuwa ka imanaya Wadamada kale hadii ay soo maraan mid ka mid ah wadamadaas mudada 14ka maalmood ah. kahor codsiga si loo galo Boqortooyada.

Warku wuxuu intaa ku daray, “Soo galitaanka muwaadiniinta, diblomaasiyiinta, xirfadlayaasha caafimaadka iyo qoysaskooda ee ka imanaya wadamada aan soo sheegnay ama soo maray mid ka mid ah dalalkaas 14kii maalmood ee ka horreeyay ku soo laabashadoodii Boqortooyada, sida ku xusan tallaabooyinka taxaddarka ee ay dejiyeen Wasaaradda Caafimaad

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here