Home Wararka Caalamka Haashim Cumar oo lagu dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada

Haashim Cumar oo lagu dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada

0

Rag hubeysan ayaa Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku nool dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Haashim Cumar Xaashi ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada 40 Falstaff ee Magaalada Toronto, waxaana la sheegay in la rasaaseeyay xilli gaarigiisa uu kala soo baxayay Garaash ku yaal halkaas.

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sheegay in Haashim xilliga la dilayay uu kujiray nolol maalmeedkiisa caadiga ah, isla markaana dilkaas uu walaac ku abuuray Waalidiin farabadan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay soo laab laabteen dilalka lagu hayo Soomaalida, hayeeshee uu sheegay in ay kala hadlayaan Madaxda gobolka Ontario ee dalka Canada beegsiga lagu haayo Soomaalida.

Dilka Haashim Cumar Xaashi ayaa noqonaya kii 5aad oo gudaha magaalada Toronto loogu geysto Muwaadiniin Soomaali ah, iyada oo booliska Magaalada ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan sababaha kordhiyay dilalka Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here