Home Wararka Maanta Saameen Nuucee ah ayaa ka dhalatay Sharciga Kireenta Guryaha gacan labaadka ee...

Saameen Nuucee ah ayaa ka dhalatay Sharciga Kireenta Guryaha gacan labaadka ee dhawaan bilowday

0

Waloow sharci adag oo lasoo saaray 1-dii Oktoobar uu qabanayo dadka guryaha ku kireeya qaabka gacan labaadka ah, misna waxaa jira dad aan ku dhicin inay Booliiska u sheegaan.

Dadka uu dhibkaasi haysto waxaa ka mid ah Erik iyo qof la deggan bartamaha Stockholm oo bishii bixiya in SEK 5,000 oo karoon ka badan lacagta ay bixiyaan dersaantiisu.  Wuxuu sheegayaa sababta.

– Waxaa jira qofka iska leh guriga oo haddii uu taa kugu ogaado guriga dhanba kaa saaraya, ayuu yiri.

Sharcigan oo la ansixiyey dayrtii hore ayaa lagu adkeeyay kiraynta gacan labaadka ah. Xeerkan cusub ayaa dhigaya in qofkii gurigiisa sii ijaara balse qofka ka qaada isla kharashkii isaga looga ijaarey ijaarka lagu dallacayo 15% dheeraad ah.

Yeelkeede, qofkii lacag dheeraad ah ka qaada qofka gacan labaadka wax ku ijaaranaya waxaa laga ceshanayaa guriga, isaga oo halis ugu jira xabsi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here