Home Wararka Maanta Qofkii ugu horeeyay oo laga helay Cudurka Coronovirus gudaha Dalka Norway

Qofkii ugu horeeyay oo laga helay Cudurka Coronovirus gudaha Dalka Norway

0

Dowlada Norway ayaa sheegtay in Dalkeeda laga helay Cudurka Coronavirus ee ka dilaacay gudaha Dalka Shina waxana warbixinta lagu sheegay shir jaraa.id ay qabteen maamulka Caafimaadka ee Dowlada Norway.

Caabuqa Cudurka ayaa laga helay muwaadin u dhashay Norway kaasi oo dhawaan safar kaga yimid dalka Shina qofka ayaana lagu xabisay hoygiisa oo ku yaalla Magaalada Tromsø halkaasi oo caafimaadkiisa lagula tacaalayo.

Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in Cudurka ninkaani uusan faafi karin madama uusan laheen tilmaamaha halista ee cudurka Coronavirus kaasi oo keena in durba uu faafo.

Hay’ada caafimaadka ayaa ugu danbeyn digniin u jeedisay dadka norway madama halista cudurkan ee dhanka faafitaanka uu ka jiro gudaha Qaarada Yurub.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here