Home Wararka Caalamka Ruushka oo warbaahinta u Xaqiijiyay Wadahadal dhexmaraya Armenia iyo Azerbaijan

Ruushka oo warbaahinta u Xaqiijiyay Wadahadal dhexmaraya Armenia iyo Azerbaijan

0

Ruushka ayaa sheegay in Azerbaijan iyo Armenia ay ku heshiiyeen in ay ku kulmaan Moscow jimcaha si ay uga wada hadlaan joojinta dagaalka Nagorno-Karabakh, kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu ku baaqay wadahadal.

“Baku iyo Yerevan waxay xaqiijiyeen kaqeybgalka wada tashiyada ka socda Moscow,” afhayeenka wasaarada arimaha dibada Ruushka Maria Zakharova ayaa u sheegay wakaalada wararka ee France.

“Diyaar garoow xoogan ayaa socda,” ayay tiri, iyadoo la filayo in wada hadalada ay dhacaan galinka dambe ee Jimcaha ayna ka qeyb galaan wasiirada arimaha dibada ee labada dal.

Casuumaada Mr Putin uu u fidiyay Wasiirka Arimaha Dibada ee Azeri Jeyhun Bayramov iyo dhigiisa Armenia Zohrab Mnatsakanyan ayaa timid kadib in ka badan hal usbuuc oo dagaalo xoogan ay ku dhexmareen Azerbaijan iyo gobalada ay ka soo goosteen ee u badan Armenia ee Nagorno-Karabakh oo ay taageerto Armenia.

Armenia waxay meesha ka saartay in wax wada hadal ah ay dhexmaro diblumaasiyiinta ugu sareysa labada dal inta iskahorimaadyadu soconayaan oo aysan ka qeyb galin shirar albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacaya Geneva khamiista wasiirka arimaha dibada Azeri iyo diblomaasiyiinta Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka oo iyagu ka kooban “Kooxda Minsk” ee raadisay xalka dagaalada Karabakh tan iyo 1990-yadii.

Nagorno-Karabakh waa gobol ka mid ah Azerbaijan oo ay maamusho Armenia oo ku dhawaaqday dawlad-goosad aan la aqoonsanayn ka dib dhicitaankii USSR.

Dagaalkan hadda socda ayaa ah kii ugu xumaa tan iyo xabad joojintii 1994, taasoo galaafatay boqolaal qof oo ay ku jiraan dad rayid ah iyadoo labada dhinacba ay laba jibaareen awooda dagaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here