Home Wararka Caalamka Ruushka oo soo bandhigay Qaabka uu ku Bilaabanayo Dagaalka 3aad ee Adduunka

Ruushka oo soo bandhigay Qaabka uu ku Bilaabanayo Dagaalka 3aad ee Adduunka

0
Foto: Maxar Technologies / Reuters
Ad

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalka ka socda dalka Ukraine isku bedelo dagaal caalami ah oo dhax mara ciidamada Ruushka iyo sidoo kale isbaheysiga ay dalalka badan ku mideesan yihiin ee NATO.

Dowladaha reer Galbeedka qaarkood ayaa si weyn u taageeraya ciidamada UKraine ee dagaalka adag kala hortagay kuwa Ruushka, waxa ayna waddamada qaar ciidamada Ukraine ugu deeqeen taangiyo casri ah iyo diyaarado dagaal.

AD

Ku-xigeenka madaxa golaha ammaanka ee dalka Raashiya, Dimitry Medvedev ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay isku-dayga dalalka reer Galbeedka ay Ukraine hubka ugu soo dirayaan wax ay ku tilmaameen dadaal looga hortagayo dagaal ka qarxa Caalamka.

“Haddii uu qarxo dagaalka saddexaad ee adduunka (WWIII), inuusan ku bilaaban doonin taangiyo iyo diyaarado dagaal ” ayuu yiri Dimitry Medvedev oo sii raaciyey haddii uu dagaalkaasi qarxo inay wax kasta boor noqon doonaan.

Hadalkan kasoo yeeray masuulkan katirsan dowladda Ruushka ayaa imaanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga sheegay in dagaalka saddexaad ee dunnida qarxi doono haddii taangiyada Ruushka tagaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

AD
Previous article47 Qof oo ku dhimatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Masjid ku yaalla Dalka Pakistan
Next articleRaisal Wasaaraha Sweden oo Xisbiyada Ku Casuumaya Kulan looga Hadlayo Quraan Gubista

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here