Home Wararka Caalamka 47 Qof oo ku dhimatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Masjid...

47 Qof oo ku dhimatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Masjid ku yaalla Dalka Pakistan

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay gudaha masjid weyn oo ku yaalla magaaladda Peshawar ee dalka Pakistan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegay in uu qarxay xilli salaada duhur lagu jiray, waxa uuna qaraxan xooggan ka dhacay safka hore ee masaajidka sida warbaahinta u xaqiijiyay booliiska Pakistan.

In ka badan 47 qof ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee masaajidka lagu qaaday, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad ka badan 125 qof kuwaa oo qaarkood dhaawacyo culus soo gaareen.

Dhaqaatiirta isbitaalada la geeyay dadka qaraxa ismiidaaminta ah ku dhaawacmay ayaa dalbaday in dhiig lagu taageero dhaawacyada, waxaana socda gargaar lala gaarayo dadka dhaawacyada qaraxan kasoo gaaray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here