Home Wararka Caalamka Ruushka oo ka hadlay bilowga ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO

Ruushka oo ka hadlay bilowga ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO

0
khail Metzel, Sputnik, Kremlin Pool Photo/AP) TT

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa faallo ka bixisay ku biiristii Sweden iyo Finland ee ururka NATO ee Waqooyiga Atlantic.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa sheegay in dalkiisu u arko xubinnimada labada dal ee isbahaysiga mid wax u dhimaysa.

“Waxaan u aragnaa balaadhinta NATO inay tahay arrin wax u dhimaysa arrimaha caalamiga ah,” wakaaladda wararka ee Interfax ee Ruushka ayaa ka soo xigatay Ryabkov. 

Kuma soo kordhinayso amniga kuwa ballaarinaya, kuwa ku biiraya, iyo dalalka kale ee khatarta u arka isbahaysiga.”

Finland iyo Sweden ayaa bishii May ee la soo dhaafay ku dhawaaqay inay doonayaan inay ku biiraan ururka North Atlantic Treaty Organisation, go’aankaas oo ka hor imaanaya siyaasad dibadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo oo labada dal ay ku socdeen muddo tobanaan sano ah.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya caasimadda Spain ee Madrid lagu casuumi doono labada dal.
Bishii Maajo, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu yiri, “Marka laga hadlayo ballaarinta, Ruushka wax dhib ah kuma qabo labada waddan.

 Iyada oo taas laga duulayo, ma jirto khatar toos ah oo Ruushka ku wajahan inay balaadhiso isbahaysiga oo ay ku daraan labada waddan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here