Home News in English Ruushka oo Duqeeyay Xaruun laga Dukaameysto oo ku taalla Ukraine

Ruushka oo Duqeeyay Xaruun laga Dukaameysto oo ku taalla Ukraine

0

Ruushka ayaa weerar gantaal oo halis ah ku qaaday xarun ganacsi oo mashquul badan oo ku taal Ukraine, weerarkii ugu dambeeyey oo waxashnimo lagu tilmaamay oo uu Putin ku diley dad rayid ah.

Weerarkan oo aarsi u muuqda ayaa ku dhacay Suuqa caanka ah ee Kremenchuk waxaana ku sugnaa ku dhowaad 1,000 qof oo wax ka iibsanayay markii ay gantaaluhu ku soo dhaceen dhismaha, goor dhow.

Dadkii badbaadey oo argagaxsan ayaa si ba’an iskugu dayayey inay baxsadaan si ay badbaado u helaan markii dhismaha uu dab ka kacay, taasoo cirka u dirtay qiiq madow.

MW Volodymyr Zelensky ayaa wuxuu yiri: ‘Suurtagal maaha in xitaa la qiyaaso tirada dhibbanayaasha’.

Kremenchuk waa magaalo wershadeed oo ku taal bartamaha Ukraine, waxayna ku taal daanta Webiga Dnipro.

Waa weerarkii ugu dambeeyey ee ay Ciidamada Vladimir Putin ku qaadeen dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin ee Ukraine, iyadoo isbitaallo, iskuullo iyo guryo la burburiyey intii uu socday duullaankiisa Ukraine.

Ukraine ayaa saaka ku faantay inay duqeeyeen talis dhan oo ay Ruushku leeyihiin halkaasoo ay ku dhinteen saraakiil 40 ka badan, sida ay sheegeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here