Home News in English Ruushka oo diyaarado Nuuca Drones-ka ah ku duqeeyay caasimadda Ukraine ee Kyiv

Ruushka oo diyaarado Nuuca Drones-ka ah ku duqeeyay caasimadda Ukraine ee Kyiv

0

Qaraxyo gaaraya ugu yaraan shan ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv kuwaas sababay khasaare kala duwan.

La taliyaha madaxweynaha Ukriane Andriy Yermak ayaa qaraxyadaas ku eedeeyay inay ka dambeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca kamizake drones isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

Duqa magaalada Kyiv Vitalii Klitschko ayaa sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha magaalada ay qaraxyada buburiyeen.

Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here