Home Wararka Caalamka Magdalena Andersson” Masuuliyada Waxay Saarantahay Ulf Kristersson iyo Jimmie Åkesson

Magdalena Andersson” Masuuliyada Waxay Saarantahay Ulf Kristersson iyo Jimmie Åkesson

0
Foto: Fredrik Sandberg/TT

Ra’iisul wasaaraha xilka ka degaysa Magdalena Andersson ayaa ka hadashay doorashada Ulf Kristersson loo doortay ra’iisul wasaaraha xukuumadda cusub, iyadoo tiri, “Baarlamaanka Sweden waxay u doorteen Ulf Kristersson inuu noqdo ra’iisul wasaare, waanan ugu hambalyeeyay arrintaas. 

Sidaas awgeed, mas’uuliyad weyn ayaa hadda saaran garbaha Jimmie Åkesson (Sverigedemokraterna) iyo Ulf Kristershon. Codeynta waxay sidoo kale ka dhigan tahay in shaqada xisbiga Sooshal dimuqraadiga ee mucaaradka ay si dhab ah u bilaabato.”

Andersson ayaa barteeda Instagram-ka ku soo qortay in Iswiidhan “ay u baahan tahay siyaasad dhaqaale oo mas’uul ah iyo siyaasad daryeel bulsho oo jebin karta kala qaybsanaanta bulshada”, laakiin siyaasaddan “ma jiraan” heshiiska “Tido” ee u dhexeeya afarta xisbi ee garabka midig.

“Waxay soo bandhigeen heshiis xalin kara mashaakilaadka gudaha ee iskaashiga garabka midig, laakiin waxa uu gabi ahaanba iska indha tiraayaa dhibaatooyinka bulshada ee muhiimka ah iyo khatarta ka dhigi karta dadka Iswiidhishka ah inay sabool noqdaan,”.

“Mucaarid ahaan, waxaan la socon doonnaa SD iyo dawladooda, waxaan bixin doonnaa xalal siyaasadeed oo noo gaar ah, waxaana mar walba diyaar u nahay inaan faragelinno dowladda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here