Home News in English Ruushka oo Bari ku Dhawaaqaya Afarta Gobol ee Ku Biiraya Dalkiisa

Ruushka oo Bari ku Dhawaaqaya Afarta Gobol ee Ku Biiraya Dalkiisa

0
Photo/Sputnik/Sergey Guneev/Kremlin via REUTERS

Berri oo Jimce ah, Ruushku waxa uu si rasmi ah ugu dari doonaa Dalkiisa afarta dhul ee uu ka haysto Ukrain

Afarta Gobol ayaa dhawaan lagu qabtay waxa loogu yeero “aftida”. Waxaa hadalkan sheegay Kremlin-ka, dhowr wakaaladood oo wararka ayaa soo tebiyay.

Wariyaha Sveriges Radio ee Ruushka Maria Persson Löfgren ayaa sheegtay in ay tahay horumar la filayo, lagana yaabo in ay ka dhalan karto in Ruushka uu dareemo in Ukraine ay hadda weerar ku tahay dhulka Ruushka, sidaas darteedna ay ku andacoon doonto in ay tahay Ukraine oo wadda dagaal gardarro ah.

Ku darista ayaa la filayaa inay dhacdo inta lagu guda jiro xaflad uu khudbad ka jeedin doono madaxweyne Vladimir Putin.

Ruushka ayaa Dhawaan qabtay Afti ku aadan in Afartan Gobol ay ku biiraan Dhulkiisa taasi oo Dalalka Yurub iyo Mareykanka ay kasoo horjeesteen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here